MAHADIYA IYO MAAJID PART 1 💍❤️ (SHEEKO JACEYL AH) ✅️Sheeko &Shaahid follow ✅️


 Mahadiya waa gabar doctard ah aadna looga dambeeyo dhanka qaliinka oo ay ku fiicantahy maalin ayaa waxaa xanuusaday odey kadip ispitalka markii la keenay ayaa lagu yiri qaliin ayaad ubaahan tahay markaa xaaladaadu way culus tahay kadip reerkiisa ayaa isku raacay in qaliinka uu galo,

Doctarkii hospitalka madaxda ka ahaa ayaa wuxuu so wacay mahadiya oo iyadanu joogta magaalo kale markaasu ayuu ku dhahay waxaan ubaahanahy in qof qaliin kusameeso adiga ayaan xaaladan kugu aamini karaa,
Mahadiya odeygan doctarka aad ayay iskugu fiican yihiin wayna ka diidi kari wayday wayna ogolaatey hawshaas waxayna usheegtay bari inay imaan doonto,
Mahadiya hospital ayay madax ka tahay oo intabadn joogtaa habeenkii markii ay gaadhay xiligii ay gurigeeda tagi lahyd ayay iskugu yeedhay dhakhtaradii u shaqeeyn jiry iyada oo u sheegtay hawl in loogu yedhay bari ay fasax u bixi doonto,
Markii ay subax noqoty airpotka ayay timid diyaaradii markii ay soo kortay ee kursigerdii fadhiisatay ayaa waxaa soo ag fadhiistay maajid labada kursi ee isku xiga ayay kala fadhiyaan,
Maajid wuxuu usocdaa aabihii oo xanuusanaya waana odeyga qaliinka lagu samayn rabo ee mahadiyana u socoto
Mahadiya buug ayay iska akhrisanysaa,
Maajidna music ayuu dhagaha kula jiraa
Labadooduna midna mid ma eegayo warba la iskuma hayo waa xili habeen ah dadkii diyaarada saarna way wada hurdan iyaga oo kaliya ayaa soo jeeda,
Mahadiya hurdo ayaa qabatay oo caajistay wayna iska ilaalinaysaa inay seexato ,
Waxay hurdo iska ilaalisaba way seexatay garabka maajid ayay kusoo dhacdey isaguna intuu eegay ayuu iska leexiyey hadana in yar kadip ayay garab kiisa kusoo dhacdey maka kicin ee wuu iska daayey,saacado kadip ayay soo fadhiisatay diyaaradii,
Mahadiya ayaa soo booday waxayna aragtay inay wiilkan ku jiiftay,
Intay naxday ayay kutiri iga raali noqo lamuusan hadilin ba wuu iska dagay,
Iyaduna intay isla yaabtay ayay kasoo dagtay diyaaradii walasheed oo sugaysay ayay is raaceen sidii ayay guriga ku tageen,
Maajidna reerkoodii ayaa uyimid wayna is raaceen markii guriga uu tagay ayuu dhahay aabahy ayaan utagayaa hospitalkii ayuu tagay ,
Mahadiyna inyar markii ay nasaty ayay walaasheed ku tiri qaliin ayaa isugaya waa inaan baxaa wayna soo baxday hospitalkii ayay timid,
Markay albaabka kasoo gashay ayaa wixii dhakhaatiir joogay hal mar uwada kaceen mahadiya madaamo doctard laga wada danbeeyo tahay oo maamuus wayn loo hayo,
Dharkii ayay xiratay waxayna gashay qolkii qaliinka Markay qolka sii galaysay waxay in dhaheedu ku dheceen,
Wiilkii ay diyaarada ku aragty oo jooga hospitalka,
HALKAA HA INOO JOOGTO CAAWA,
LASOCO QAYBATA 2 AAD✌️
✅️Nagu soo biir oo kamid noqo Asxaabta nagu xidhan mahadsanid ✅️

0 Comments