MAHADIYA IYO MAAJID 2 💍❤ (SHEEKO JACAYL AH ) ✅️Sheeko & Shaahid✅️


 mahadiya saacado ayay kula jirtay qolka qaliinka odeygii,

Markay udhamaatay ayay kasoo baxday qolka albaabka waxaa taaganaa qoyskii odeyga maajid ayaa markiiba mahadiya ku dhahay doctorayso aabahay xaaladiisu waa sidee,
Mahadiya facemask ayay xiran tahay oo magaranayo inay gabrtii tahay,
Kadip su aashii ayay uga jawaabtay waxay ku tidhi imika koomo ayuu ku jiraa wuu fiican yahay ee happy iska dhiga way iska soo dhaqaaqday,
Odeygii waxaa laga soo saaray qolka qaliinka oo qol caadiya ayaa la keenay uu daawo ku qaato,
Mahadiya markii ay tagtay xafiiskeeda ayay soo xasuusatay inuu wiilkii yahay ay hore ula soo kulantay way kasoo baxday qolkii odeyga lakeenay ayay timiday si xaaladiisa u ogaato,
Maajidna qolka ayuu joogaa maskiga ayay isku qarisay wajigeeda daawoyin ayay siisay wayna iska baxday,
Mahadiya walsheed ayaa soo wacday way ka qabatay walaasheed wax yar wada sheekaysteen,
Mahadiya ayaa uga sheekaysay safarkeedii markaas ayay ku tiri waxaa igu dhacday wiil aan wada fadhinay ayaan garabkiisa habeenkii oo dhan ku jiifay ceeb ayaa igu dhacadey mida kale wiilka waxaan ku arkay hospitalka oo qofka aan usocdey een qaliinka ku samaynayey aabihii ayuu ahaa ana wajiga ayyan ka qarsadey si uuna ii garan,
Walaasheed ayaaku tiro waayo sababa iskaga qarinaysaa markaas ayay ku tiri marabo inuu i arko marabo inuu ogaado inaan ahay gabartii habeenkii ku jiiftay sidaas ayaa uga cabsanayaa,
Kadib mahadiya waxay ku tidhi walaasheed waan seexanaya barina shaqo ayaa isugaysaa, qolkeed ayay tagtay subaxdii ayay shaqadeedii timid waxayn utimid odeygii oo qolka kaligii ku jira,
Waxay kutiri adeer caafimaadkaag kawarn waa sidee markaas ayuu ku yiri waan fiicanahy cabaar ayay lasheekaysatay dawooyin ayay siisay wayna yara cabirtay majid ayaa soo galay markay sidaa u aragtay ayay qolkii ka carartay,
Waxayna u tagaty odeygii dhakhtarka ahaa ee markii hore uyeedhay waxayn ku tiri waan iska noqonayaa madaamo aan qaliinkii ku guulaystay,
Markaasuu odeygii ku yiri intaas uu bukaanku caafimaadayo adiga xaaladiisa lasoco waana codsi, mahadiya haye ayay kutiri laakiin niyada kamarabto joogista meesha odeygii xanuusanayey iyo wiilkiisii oo wada hadlaya ayaa maajid talefon kusoo dhacay banaanka ayuu ula baxay isagoo ku hadlaya ayuu wuxuu indhaha ku dhuftay mahadiya oo ilma yar daawo siinaysa lana ciyaaraysa,
Wuxuu soo xasuustay aabihiina inay la qoslaysay oo la sheekaysanaysay wuxuu is dhahay waa inaad lahadashaa oo aaad barataa qof fiican ayay u eeg tahay, waa xili habeen ah mahadiya shaqo badan ayaa utaala xafiiskeeda ayay ku jirtaa,maajidna aabihii ayuu habeenki la joogaa kadib maajid wuxuu arkay inay joogto caawa isagoo kafikiray siduu ulahadli lahaa,
Mahadiya xafiiskeedii ayay kasoo baxday meel yar oo lagu nasto oo wada dhir ah ayay tagtay iyadoo wadata cup coffe ah,maajid ayaa kasoo daba baxay wuxuu arkay inay jawi yar iskaga jirto marwaliba buug ayay akhrisata wuu soo ag istaagay,
Markay aragtay ayay kor uboodey markasuu ku yiri maxa ku helay aayar iska fadhiiso maad iga naxday sorry
Markaas ayay ku tiri iyadoo is adkaynaysa maya kama nixine maxaad rabtay,markaas ayuu ku yidhi masoo fadhiisan karaa adoo raaliya mahadiya waxay diidan tahay inuu wajigeeda arko intay hospitalka joogto mask maba dhigto,
Haa soo fadhiiso ayay kutiri markaas ayuu ku dhahay imika hawl ma hayside meel hawo ahna waad joogtaaye ee maxaad xiligan maskiga u xiran tahay,markaas ayay aamustay,
Waxoogaa markay aamus nayd ayuu ku dhahay dhip male ee iska xirnow wuxuu uraaciyey aan iskaa baro magacaygu waa maajid maagaalada waan ka maqanahay inta badan imika aabahy ayaaan u imid intuu caafimaadayo ayaan joogayaa
Mahadiya wali way aamusan tahay,
Maajid ayaaa ku dhahay maxaad iila hadili laadahay mahadiya intay is hayn kari wayday ayay carartay,uu yaaabay maxaa qofka helay ayuu is leyahay buugina way ka carartay wuu arkay buugina uu usoo qaaday,
Mahadiya xafiiskeeda ayay tagtay albaabkii ayay soo xiratay sidii qof lasoo eryaday camal wadnaha ayaa xoog ugaraacaya biyo ayay cabtay,
Part 3 next
✅️follow soo dheh Pagekan oo ka Dhigo saaxiibkaga sheekada Mahadsanid ✅️

1 Comments