MAHADIYA IYO MAAJID PART 3 💍❤️ (SHEEKO JACEYL AH) ✅️Sheeko iyo Shaahid ✅️

Kadib mahadiya xafiiskeedii way xamili wayday ama way joogi kari wayday,mobilkedii ayay qaadatay wayna iska baxday gurigii ayay aaday markiiba qolkeeda ayay aaaday intay muraayada hor is taagtay ayay isku leedahay iyadoo isla hadlaysa,
Maxay tahay sababta aad uga cararyso wiilkan oo marka aad aragto wadnahaagu saaidka ugu shaqaynayo mardanbe maaha inaad cararto qof adag waa inaad iska dhigtaa,
Maajid kursi ayuu ku jiifaa qolka aabihii yaala wuxuu is waydiinayaa gabarta maxaa helay may kaa xishooneysaa mise wajigaaga ayay ka cabsoonaysaa maxaa jira wuxuu gacanta ku hayaaa buugii ay kacarartay,
Markaas ayuu furay 📖 markiiba waxaa kasoo hor baxay sawirkeeda oo ku dhagsan buuga cabaar ayuu fiiriyey markaas ayuu iswaydiiyey,wajigan halkee ayaad ku aragtay,balse wuxuu soo xasuustay inuu wajigan yahy gabartii diyaarada ay ku kulmeen sawirka korkiisa sare waxaa ku qornaa drs mahadiya,
Mahadiya walaasheed ayaa usoo gashay iyadoo sidii iskula hadlaysa maxaa kugu dhaca ayay ku tiri adoo xiiqsan(daalan)ayaad guriga soo gashee ma dhib ayaa jirata markaasay ku tiri haa dhib wayn ayaa jira oo ah wiilkii aan kuu sheegayey een diyaarada ku kulanay markaan arko cabsi ayaan dareemayaa wadnaha ayaaa xoog ii garaacmaya sababtana ma aqaan,
Walaasheed ayaa ku tiri mahadiya ilaa yaraan taadi qofba kamaadan cabsan jirin doctorad qalbi adagna waa tehee maxaa jira wiilka maad ka heshay!
Mahadiya ayaa lasoo booday anigaa maya maya, sidaa fudud miyaa iskaga jeclaanayaa,
Markaasay walaasheed ku tiri hadaaa maxaad wajiga usiin laad'ay ee uga cararaysaa waxaa laga yaabaa waadna is dareen sanayn waad ka heshay ee wiilka iiga sheekee siduu ueeg yahay,
Mahadiya oo sharaxaysa muuqalka wiilka ayaa ku tiri waa wiil dheer oo aad u qurux badan murqo waa wayn leh stelka aad u shidan leh
Laakiin aniga ma jeclaan waxaasna iguma ogid,walaasheed ayaa ku tiri kolay wuxuunbaa jira ee waynu eegi bal, mahadiya ayaa soo xasuusatay buugii inay meeshii ay fadhidey kaga soo kacday
Markaas ayay qaylis(dhawaaqdey) walaasheed ayaa kutiri maxaa ku helay waaba iga nixisee markaas ayay ku tiri kolay wajigayga wuu arkee bas way ii dhamaaatay,
Walaasheed ayaa ku tiri maad waalatay waxaad sheegayso horta i fahansii markaas ayay ku tiri buugii xasuus qorkayga ee sawirkaygu ku dhagsanaa ayaan agtiisa kaga imid,kolay uu i arkay maxaan sameeyaa bari sideen shaqada u tagaa,
Maajid wuxuu soo xasuustay habeenkii ay garabkiisa ku jiiftay iyo iyo markay isaga aragto sababta ay uga cararto oo marwalba facemask uxirato markaasuu dhoolacadeeyay mabuu sii akhrin buugii
Markuu sawirkeeda arkay wuu iska ilaaway buuga inuu sii eego,
Subaxdii mahadiya way timid hospitalka iyado kolba dhinaca iska fiirinaysa xafiiskeeda ayay iska fadhiisatay kadip waxaa loogu yeedhay qof dhaawac halis ah ku jira way soo baxday qolkii dhaawaca ayay timid hawsheedii ayay qabsatay
Markay kasoo baxady waxay fiirisay saacada mise waa xiligii maajid aabihi daawada siinayasay waxay is leedaahy armuu kii qolka ku jiraa gabar kalkaaliso ah oo meesha maraysy ayay ku tiri qolka odeygu ku jiro ii soo fiiri cida la joogta, haye ayay ku tiri wayna usoo fiirisay way ku soo noqotay waxayna ku tiri cidna lama joogto kaligiisa weeyn haye ayay ku tiri waad mahadsan tahay,
Qolkii ayay soo gashay xaaladiisa ayay fiirisay way yara waraysatay xanuun miyaa dareemaysa imika sethy ayay ku tiri
Odeygii may wan fcnahy ayuu ku yiri wuxuu uraaciyey inantaydiiyey gabar aad uwnagsan ayaa tahay markaas ayay ku tiri adeer waa waajib kayga,
Odeygii iyo mahadiya oo iska sheekaysanaya oo qoslaya ayuu maajid oo cunto aaabihii uwada usoo galay,intay naxday ayay ku tiri odaygii waan kuu soo noqon doonaa iyadoo maajid sii eegaysa ayay baxday,
LASOCO PART 4
INSHA ALLAH
✅️Follow soo dheh Pagekan oo ka dhiga saaxiibkaga sheekada Mahadsanid✅️

 

0 Comments