MAHADIYA IYO MAAJID💍❤️ PART 4 (SHEEKO JACEYL AH) ✅️Sheeko Iyo Shaahid ✅️


 Kolba way sii eegtaa ilaa intay qolka ka baxaysay meel cafeteriyaa,oo ku dhextaal

Hospitalka ayay tagtay, caffe iyo buger ayay iska dalbatay iyada oo caffegii afka ku haysa ayuu maajid soo ag fadhiistay markaas ayuu ku dhahay kaliya waxaan kaa codsanayaa inaadan cararin oo aad aayar iska cunto cuntadaada,
Laakiin waxaas dhag umay dhigine way kacdey kadib markaas ayuu gacanta soo qabtay isaga oo ku leh hoo buugaagii igana raali noqo wuu iskadhaqaaqay iyadana halkii kamay dhaqaaqinba ilaa intuu sii socday ayay sii fiirinaysay,
Waxaa la gaaray xiligii odeygii maajid dhalay
Hospitalka laga bixin lahaa waxayna usheegtay qoyskii maajid dhalay in uu caafimaad qabo oo ayka saari karaan hospitalka oo wakhtigiisii dhamaadey sidii ayaa laga saaray odeygii hospitalka
mahadiya si ayay uyara faraxdey maadaamo ay mar danbe arki doonin maajid,
Maajid markii uu imid guriga qolkiisa ayuu tagay daal badan ayuu dareemayaa sidu safarka uga imid muu nasan intuu sariirta dusheeda fariistay ayuu soo xasuustay mahadiya isaga oo leh gabartan jin miyaa ku jira maxay lacarartay?
Horta dhowr cisho shaqada may tagin mahadiya oo nasasho ayay ku jirtay hawshiina way usoo dhamaatay inay dalka ay ka timid ku noqoto ayay rabtaa
Iyada oo tvga daawanaysa ayaa waxaa soo wacay wiil ay qaraabo yihiin oo ka dalbaday xaflad inay u raacdo iyaduna kamay diidin e way ka ogolaatay
Way is diyaarisay wayna is raaceen markay cabaar joogeen ayay mahadiya ku tiri wiilki inaan guriga tago ayaa rabaa re adigu ii baashaal anaa taxi uyeedhane
Way kasoo baxday goobtii xaflada iyada oo taagan banaanka o taxi sugaysa ayaa waxaa soo agmaray maajid markaas ayuu is dhahay waana yara xili danbee caawi intuu soo dagay markaas ayay aragtay inuu maajid yahay suu ku yiri dr mahadiya sidaan filayo taxi ayaad sugaysaa ee waxaan jeclaystay inaan kusii qaado oo gurigaaga ku geeyo
Mahadiya cabaar way is yara adkaysay laakiin markii danbe way iska raacdey marka ay in yar socdeen ayuu arkay inayna hadlayn oo aamusantahay, markaasu ku yiri adiga hadalka ma jeclid miyaa? Marwaliba maxaa ku aamusiiyey mise aniga ayaad lahadalkayga doonayan, markaas ayaybku tiri may hadalka ma necbi laakiin qof aanan aqoon ulahayn oo aanan is dabeecad fahmin lama hadlo,
Markaasu ku yiri waa arin fiican ee ka waran hadaan dad asxaab ah noqono oo isbarno intay ka yar aamustay ayay tiri waan isbaran karnaa
Markaas ayuu dhahah ani magacayga maajid ayaa la idhahaa adigana magacaaga hore ayaan u arkay markas ayay ku tiri magac qurux badan ayaad leedaha asagna wuxuu lu dhahay adiga ayaa iga magac shidan,
Kadib numberkeedii ayay siisay waxaana laso gaadhay gurigii mahadiya aad ayay ugu mahad celisay sida fiican ee uu usoo kexeeyay markaas ayuu ku dhahay abaal wayn ayaan kuu hayaa,waayo aabahay qofkii iidaweeyay ayaad tahay ee intaas yar waxba ha iiga mahadcelin markaas ayay ku tiri taas waa shaqadeyda,
Guriga ayay soo gashay walaasheed ayay ku tiri caawa waxaa isoo qaaday wiilkii aan wajigiisa ka carari jiray sow waxlalayaabo maaha, walaasheed way war jeceshay,😁
Markaas ayay ku tiri haye dee maxaa dhacay?
Waxay tiri waxba ma dhicin kaliya wuu isoo qaaday uun numberkaygana uu iga qortay laakiin wiilkaan markaan arko wadnaha aad ii garaacmo,
Maajid isago dhoolacadeynaya ayuu guriga soo galay aabihii ayaa ku dhahay caawa waad faraxsantahy ee maxaa jira
Markasuu dhahay waxba jawiga iska fiican caawa,wuxuu soo qaatay mobilekiis wuxuu imid guriga qayb beer ah oo aad uquruxx badan
Mahadiya numberkeeda ayuu wacay laakiin kama ay qaban fariin ayuu udiray kadib ayay garatay ,
Sorry qof kale ayaa kuu malynayey ayay tiri,,,
LA SOCO QAYBTA 5AAD
INCHA ALLAH

0 Comments