Markaas Ayuu ku Dhahay Dhib Male Imika Hadad i Garatay Waa Khayr,Waxanba Is Lahaa Markay Ku Garato Kulama Hadli Doontee,
Waxay Ugu jawaabtay May Sobab Ma Jirto, Kaliya Aniga Ragga Inaan La Hadlo, Ama La Joogo Ma Jecli, intaas uun Weeyan imikana Waan Ku Salamayaa ee baye.
Wuxu Is Waydiiyay Waligaa Gabar Baye kumay Dhihin, Adiga Uun Ayaa Dhihi Jiray Baye maantana Qof iga Adag ayaan arkay wanan Ka Hela Hablaha adag Waa Inaan Ka Keensada
saxiibtinimo.
Mahdiya Waligeed Nin May Shukansan Ama Xidhiidh iyo Jacayl may samayn mana jecla xidhiidhada waxayse Rabtaa Inta Ay Cafimaad Qabto Ee Xanuunka Jacaylka La Dhaha ku Dhicin Inay Maajid Ka Fogaato Oo Halka uu Joogo Ka Tagto.
Alaab teedii ayay diyaar satay, Si dag-dag ah ayay walashed ugu tidhi Bari Waan Noqon Rabaa Aan idin baree walasheed Marwa Ayaa La idhaa Marwa Way Yaabtay Sidan Deg-dega ah waxay ugu Bixi rabtaa ma Dhib ayaa jira ayay ku tidhi May Ayay ku tidhi Ee Hawlo Ayaa isugaya Markaa Waa Qasab inaan tago.
Marwa Ayaa ku tidhi Haday Sidaa Tahay Imika Kaalay Suuqa ii Raac Alaab ayaan rabaa inaan hooyo kugu dhibee, Sidii Ayay isku raaceen suuqii ayay Aaden Hawshoodii ayay soo dhamaysteen, Habeen markay Noqotay,
Mahdiya Waxay Tagtay Meel Xeeb Ah, Jawi Qurux Badan Iyado oo Biyaha Bada Daawanaysa ayay Dhawr Mar Maajid Sawiratay Intay Booday Ayay Soo Carartay Iyado oo Cararaysa Ayay ku Dhacday Qof Laabtiisa Way Fiirisay Waaba Maajid Intay Naxday Ayay Is Tidhi Malaha Run Maha Ee Adaa Is moodsiiyay, Intay Aad U Fiirisay, Ayuu ku Dhahay Maxaa ku Helay maxaa jira.
Intay Wajigiisa Taabatay Ay aragtay inuu Run U Hor Tagan Yahay Ayay Carartay,
Maajid Yaab Qoftan Maxaa eryada Ayuu is leeyahay, wuu ka daba cararay, mise Maba Joogto Yaab! Meel Ayuu Fadhiistay Wali U Fahmi Laayahay Waxa jira.
Mahdiya Cararkii Ayay Guriga Ku Tagtay Iyado oo Xiiqsan Ayay Qolkeeda, Tagtay Oohin Ayay Afka Furatay Marwa U Timid walal Maxaa ku helay? Walashed ayay ku Dhagtay Cabaar Markay Oyday Ayay ku tidhi Haye imika ii sheeg Maxaa kugu soo dhacay.
Markaas ayay ku tidhi aniga Xitaa Ma Aqaano Waxa Igu soo Dhacay Marwa Ayaa Hadana ku celisay Hadalkii oo ku tidhi ii sheeg,Waxa Jira, Markas ayay ku tidhi Kaliya Inaan Seexdo Ayaan Rabaa Ee iska Tag Haye ayay ku tidhi Ee iska Seexo.
Hurdo Qoftan Kuma Soo Dhacayso Ee Maajid uun ayaa ku soo Dhacaya Waxay is waydiinaysaa Sababta Jirta ee Wiilkan Xasuusteeda uun Dhex dhigay Gacantay Wajigiisa ku soo Taabatay Ayay eegtay Way Carartay Gacantii Ayay Biyo Badan Ku Dhaqday Ila hal Sac ayay Gacantii Biyo Kula Jirtay.
Subaxdii Markay Soo Kacday ee ay Qureecatay Ayay Marwa Ku Tidhi "wixii Xalay wixii kugu Dhacay Mad ii Sheegtid," Markas ayay ku tidhi waxaa igu Dhacay Wiilkan Ku Sheegi Jiray Ayaa Xasuustayda Ka Bixi La.
Aniga Oo Xeebta Jooga, oo Raba inaan jawiga soo badasho ayaa Qalbigayga, Isaga Uun I Hor Waday Markii Aan Xamili Waayay Anoo Soo Cararaya Ayaan isaga Oo Meel Uu Ka Imid Anan Garanayn Labtiisa ku dhacay.
Marwa Aya ku Tidhi "Qaalidaydiiyey Ma Laga Yaaba Inaad Jeceshahay Wiilkan" Intay Indhaha Ukun
Leekadeen Ayay ku tidhi Aniga May May ma Jecli Marwa Ayaa Hadana ku tidhi "Wadnaha ayaa ku Garacma Waa Calamaad Ka mid ah Calaamadaha jaceylka ee iska Aqbal 


Mahdiya Intay Waxay Ku Hadasho Garan Wayday Ayay ku tidhi marwa Waxas Ma jirane Wan Habsame Ee Ina Mari Waxayna U Socdan Airpotka Waa Xiligii Mahdiya bixi lahayd Okay ina mari ayay ku tidhi Wayna soo Baxeen Intay Dhexda Soo Socdeen Mahdiya Qalpigeedu Joog Ayuu Leeyahay Naftuna ha joogin ee tag ayay ku leedahay.
Wadadu waa cidhiidhi oo ma socon karo Taxigu iyadna Intaas Fikir ayay ku jirtaa, Cabaar markay Soo Dhaqaaqeen Ayaa Jidka Waxa Ka Dhacay Shil Waxana Shilka Galay Maajid Mahdiya waxay Maqlaysaa Inay Dadku Leeyihiin Shil Ayaa Dhacay Marwa Ayaa ku tidhi Kaalay so dag aan soo fiirinee markaas ayay ku tidhi May Adiga so eeg walaalo.
Marwa Ayaa dagtay Markaa soo eegtay way iska soo noqotay markaas ayay ku tidhi mahdiya Kqalay soo Caawi Wiil ayaa Saa’d u dhiig socdee adaa Dr's Ahe Mahdiya Caawitan miyay u jeeda Moralka ayaa ka xune Dhawr jeer ayay ku Cel Celisay Marwi Kaalay Soo Caawi Wiilka.
Mahdiya Haye ayay tidhi Way So Dagtay Meesha Dad Ayaa ku soo Ururay Markii La idhi Dadkii U Baneeya Ee Lo lexday Ayay Mahdiya Aragtay Qofkan Inu Yahay Maajid 
Naxdin Meel Ay joogto ayay Garan Wayday.


Way soo Carartay Iyado, oo ilin Ka Socoto Markas Ayay Marwa ku tidhi Gaadhigeena Halkan Keen Si Aan U Qaadno Maajid, Marwa Way Yaabtay mahdiya maxay ugu ooyaysaa ee jira Wiilkan Aqoon Miyay U Ledahay Sidii Aya Maajid Hopitalka Lagu Geeyay.
-La soco Qaybta:6
-Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii Hore.
-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.
@Tahir Ahmed muose
0 Comments